Wasiir dowladda Somalia ka tirsan oo shaaciyey halis ku soo socota dalka

Wasaaradda Gargaagarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Gargaagarka ee Dowlad Goboleedyada oo ku shiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalku galayo Abaarro aad u daran sida saadaashu sheegeyso loona baahan yahay in arrintaas laga hortago.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiiibooyinka Cabdirashiid Xasan ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu sareysa arrintan ay Baaq ka soo saari doonaan.

“Waxaa arrintan baaq kasoo saari doona Madaxda Dowladda ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan kuu sheegi karaa hadda in dalka abaar dhibaatadeeda wadato ku soo socoto taasna waxa kaliya oo aan u baahanahay ayaa ah in aan ka hortagno”.

Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa tilmaamay in Koonfur galbeed tahay meelaha ugu badan oo dadka abaartu ku saameysay.

“Koonfur Galbeed waa meelaha ugu badan oo dadku abaartu ku saameyso magaalada Beydhabo waxaa jooga Barakacayaal ka badan dadka deegaanka ah”.

Wasiirada waxaa ay ugu baaqeen Ganacsatada iyo dadka wax heysta in arrintan sidii looga gaashaaman lahaa gacan ay ka geystaan.

Xilli roobaadkii guga ee laheli jiray Bilahan ayaana wali la helin waxaana dhibaato xoogan kasoo yeereysaa dadka reer guuraaga ah ee deegaanadooda wali uusan roobkii guga uu san ka da’in.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments