Madaxweyne Farmaajo oo safar aan la shaacin ugu ambabaxay dibada

Madaxweynaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Faraamjoiyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyay kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda Sacuudiga, iyadoo aan la faahfaahin ujeedka socdaalka Madaxweynaha.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu maanta ugu baxay Sacuudiga ayaanan horey loo shaacin, waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii casuumaad deg deg ah uu ka helay boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in safarkiisii ugu horeeyay kadib markii la doortay uu ku tegay Sacuudiga, waxaana loo balanqaaday taageeero dhaqaale iyo mashaariic fara badan oo Sacuudigu ka fulinayo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments