Kulankii gaadiidleyda BL-ka iyo MG/Banaadir oo fashil ku dhamaaday +Sawirro

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa ay kulan lagu kala tagay la qaateen Darawalada kaxaysa Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya degmooyinka gobalkan Banaadir.

Kulanka uu Maamulka Gobalka banaadir la qaatay Darawalada ka xeeya gawaarida nuuca ay raacaan shacabka ee loo yaqan BL-Ka ayaa waxa uu yimid kadib markii ay dowladda xIrtay inta badan wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayna ku dhawaaqeen saakay Gaadiidleyda Shaqo joojin.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Maamulka G/banaadir ayaa Guddiga Gaadiidleyda BL-ka waxaa qaabilay xubno uu horkacayey guddoomiye ku xigheenka G/banaadir Xuseen Maxamed Nuur, waxaana looga dooday cabashada gadiidleyda BL-ka oo bannaabaxyo ka waday Ex Koontoool Afgooye, iyadoo dalbanayey in jidadka loo furo ama laga dhaafo canshuurta maalin waliba laga qaado.

Xubin ka tirsan Guddiga gadiidleyda BL-ka ayaa sheegay in maamulka G/banaadir uu ku dooday in dhagxaanta wadooyinka lagu xiray lagu sugayo amniga magaalada, isla markaana aysan ka maarmin canshuurta, iyaguna ay ku adkeysteen inaysan is qaban karin wado xiran inay ku shaqeeyaan.

Guddigga Gaadiidleyda BL-ka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu banaanbaxa sii socon doono inta wax laga badalayo xaaladda taagan oo ah mid aan lagu sii shaqeyn karin.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments