Xildhibaan ka tirsan BF oo Fahad Yaasiin weydiiyay su’aal ka baxsan kulanka G/shacabka

Ku-simaha Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka carooday su’aallo shaqsi ah oo kulankii baarlamanka ee maanta uu ku weydiiyey Xildhibaan Zakariye Gaashaan.

Su’aasha xildhibaan Zakariye ayaa la xiriirtay xil ka qaadistii lagu sameeyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla iyo eedeymaha Fahad loo jeediyo.

Fahad Yaasiin ayaa ku jawaabay in su’aalaha noocan ah ay qalad iyo gef ku yihiin magaca hay’adda qaranka ee NISA, wuxuuna ka dalbaday guddoonka inuu xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, haddii kale uu qaadanayo dhanka qaanuuniga ah uu leeyahay.

“Aad ayey ii dhibaysaa in nin xildhibaan ah uu hadalkan ku hadlay, oo xitaa qof kale uu kasoo xigtay oo aysan ahayn wax uu isaga baaritaan ku sameeyey” ayuu yiri Fahad.

Waxa uu sheegay in su’aasha xildhibaan Zakariye ay xurmo darro ku tahay hay’adda nabad-sugidda, islamarkaana golaha baarlamanka uusan u qalmin in su’aal noocan oo kale ah la isku dhex-weydiiyo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments