Mid ka mid ah garoomada ciyaaraha ee Muqdisho oo dumay iyo khasaare ka dhashay

Waxaa maanta soo dumay qeyb kamid ah dhismaha garoonka Kubadda cagta Jaamacada ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

hal qof ayaa ku dhintay dhismaha garoonka Jaamacadaha ee soo dumay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay hal qof oo kale, oo haatan lagula tacaalayo isbitaal ku yaalla magalaada Muqdisho.

Wararka aan helnay aya sheegaya in ay duntay qeybta VIP-da ee garoonka taasi ee ay fariistaan dadka Ma’suuliyiinta ah, waxaana goobtaasi duntay la sheegay in ay ka socotay dib u dhis , dadka waxyeelada kasoo gaartay ayaana ahaa dadkii dhismaha ka shaqeenayay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu sidaan oo kale usoo dunto qeyb ka mid ah garoonkaan.

Qeyb ka mid ah darbiga Garoonka kubada cagta ee Jaamacadaha ee maanta soo dumay ayaa kal hore sidan oo kale usoo dumay, mana jirin wax khasaaro ah oo xiligaasi ka dhashay dumitaankaasi.

Garoonkan oo kuyaala degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa lagu dhisay dhaqaale ay bixiyeen Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA, waana garoonka labaad ee lagu ciyaaro tartamada ciyaaraha ee horyaalada dalka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments