Fahad Yaasiin oo su’aalihii ugu badnaa lagu weydiinayo kulanka BF (Akhriso)

Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee uu maanta ajandihiisa ahaa Dooda la xiriirta arrimaha Amniga iyo su’aalo weydiinta Wasiirada Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dawlada ayaa furmay.

Kulanka saacado dib u dhacay, Sababo la xiriira kooramka Xildhibaanada badankood oo gadaal ka yimaadeen, waxaana furay kulanka Guddoomiye Maxamed Mursal.

Wuxuuna kulanku ku furmay illaa 150 Xildhibaan oo ah kooramka inta soo xaadirtay, waxaana Guddoomiye Maxamed Mursal ku dhawaaqay inuu kulanka furan yahay, isagoo ku wargeliyay Xildhibaanada in su’aalahooda aysan ka badnaa hal daqiiqo, isla markaana jawaabuhu yihiin 3 daqiiqo.

Waxaa hoolka Xarunta Baarlamaanka ku sugan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar Dambe, Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Milateriga, Asluubta iyo Ku-simaha Taliyaha Hey’ada NISA.

Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo kamid ah Shakhsiyaadka Maanta ay Baarlamaanka Soomaaliya Su’aalaha waydiinayaan ayaa Xildhibaanada uga jawaabay illaa 3 Su’aal oo ay waydiiyeen.

Hoos ka Akhriso su’aalaha ilaa iyo haatan uu ka jawaabay Fahad Yaasiin ee la weydiiyay:-

1 – Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey Mushaarka Ciidamada Dowladda ee aan weli la bixin ayaa sheegay inay arrintaas tahay in wax laga waydiiyo  Hanti dhowrka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

2 – Kusimaha Taliyaha NISA oo mar kale loogu celiyay su’aashii mushaarka Ciidamada ayuu ka codsaday xildhibaanka su’aashaas weydiiyay oo ahaa Khaliif Cabdi Cumar inuu u keeno haddii uu jiro sarkaal aan xuquuqdiisa ka qaadan Hey’adda Nabadsugidda.

3 – Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey Xarigii Mukhtaar Roobow ayaa sheegay  in aanu arrintaas shaqo ku laheyn oo aanay iyagu soo qaban, markii la weydiiyayna Maxkamad maxaa loo geyn waayay, wuxuu yiri Hey’adaha Garsoorka ayay quseysaa oo ay tahay in la waydiiyo.

4 – Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Xildhibaanada waxay waydiiyeen Jidadka Xiran ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku jawaabay inuu yahay go’aan ay gaareen Hey’addaha Ammaanka oo aanay si gaar ah u quseyn Nabadsugida.

Kulanka ayaa la filayaa inuu gaaro ilaa gelinka dambe ee Maanta, waxayna hadda Xildhibaanada u baxeyn Salaad sidoo kalana wuxuu Guddoomiyaha amray in XIldhibaanada qado loogu keeno fadhigooda si uusan kulanka u hakan.

Guddoomiyaha ayaa laba mar Xildhibaanada ku amray inay Taleefoonada Damiyaan kadib markii la arkay qaar ka tirsan Saxaafadda oo kulanka si toos ah u tabinayo iyagoo aan goobta joogin.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments