CC Shakur “wiil oo sidii Godane u dhuumaleysanayo ayaa saxaafada ka saaray kulanka DF”

Kusimaha Taliyaha Hey’ada NISA Fahad Yaasiin oo inta badan ka dhuumaaleysta fagaarayaasha la iskula xisaabtamo, ayaa maanta ka soo muuqday gudaha Xarunta Baarlamaanka, waxaa uu ka mid yahay  Taliyeyaasha su’aalaha la weydiinayo, inkastoo Warbaahinta banaanka ka tahay kulanka.

Fahad oo la waydiiyey Su’aalo dhawr ah ayaa uga jawaabayey si kooban sidoo kalana su’aalaha intooda badan wuxuu uga jawaabayey “Shaqo kuma lihi”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Siyaasi wax badan ka yaqaan Siyaasadda isla mar ahaantaane si weyn u mucaaradsan Siyaasadda ay dowladda Farmaajo ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay sababata Baarlamaanka looga mamnuucay Saxaafadda iyo sababta XIldhibanada loogu amray inay taleefoonada damiyaan sidoo kalana aysan badin Su’aalaha.

CC Shakuur ayaa qoraalkan kusoo qoray Bartiisa Facebook, iyadoona uu qoraalkiisa ku soo aadayo Xilli Fahad Maanta wajahayay Su’aalihii ugu adkaa oo kaga imaanayaan Xildhibanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka sidaas loo yeelay wiil sida Godane oo kale isku qarinayo oo uu ula jeedo Fahad Yaasiin, ogowse Godane waa Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee la dilay kaasoo inta badan Fagaarayaasha aan lagu arki jirin.

” Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idilna waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Halkaan ka Akhriso Su’aalihii la weydiiyay Fahad Yaasiin

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments