Xildhibaan Ibbi: “Bajaajleyaasha aan u qeylineyno iyagaa bambo ku tuura ciidanka amniga”

Xildhibaan C/raxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay kulanka amaanka looga doodayay ayaa sheegay in falalka amaan daro ee Muqdisho ka dhaca ay qeyb ka yihiin dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata.

Ibbi ayaa sheegay in dhalinyarada bajaajta ay u doodayaan ay yihiin kuwa falalka amaan daro ee magaalada ka dhaca  ka qeyb qaata sidoo kale bambooyinka ku tuura ciidamada amaanka ee joogo wadooyinka Muqdisho.

“Bajaajleyda aan maanta u qeylineyno bambo ayay ciidamada  amaanka ku tuuraan, saddex bajaaj ayaa la qabtay oo bambo iyaga oo bambo tuureysa” ayuu yiri xildhibaan Ibbi.

Hadalka xildhibaan Ibbi ayaa ku soo beegmaya xili maanta magaalada Muqdisho banaan baxyo xoogan ka dhigeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata kuwaa oo ka careesnaa dil askari ciidanka dowlada katirsan u geestay Wiil Bajaajle ah iyo ruux la socday.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments