RW Kheyre oo la kulmay ku xigeenka xoghayaha waaxda difaaca Mareykanka +Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha Difaaca Maraykanka, David L. Norquist.

Kulanka RW Kheyre iyo Mr David ayaa lagu lafa guray qorshaha ay dawladda Soomaaliya ugu diyaar garoobayso la wareegidda amniga dalka iyo kaalinta dawladda Mareykanku ka qaadanayso dhismaha hay’adaha amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Mayreykanka uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka siiso la dagaallanka argagaxisada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kula qaadanayo mas’uuliyiinta dalka Mareykanka oo ay booqasho kooban ku joogaan.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments