Ku dhawaad 10 ruux ayaa maanta siyaabo kala duwan ugu dhintay Muqdisho

Dad ku dhow 10 qof ayaa maanta ku geeriyooday Isku horimaadyo iyo Banaanbaxyo maanta dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa saaka labo ruux ku toogtay isgoyska Howlwadaag, labaddaasi ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wadde Mooto Bajaajle.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen Banaanbaxyadii looga soo horjeeday dilka loo geystay Waddaha Mooto Bajaajka, waxaana dadka careysan ay wadooyinka ku gubeen Taahiro.

Saddex ruux oo kale ayaa ku dhimatay iska horimaad Ciidanka Booliska iyo Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Warta Nabada, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen Shacab.

Magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay darawal Mooto bajaajle.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments