Dibad baxayaal isku dayay in ay xiraan shirkada Hormuud oo rasaas lala dhacay + Sawirro

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa saakay ka ilaa iyo haatan ka taagan xaalad cakiran ka dib markii la dilay Darawal mooto Bajaajle ah, iyo rakaabkii saarnaa bajaajta.

Askari ka tirsan ciidamada Dawlada ayaa Isgoyska  Howlwadaag ku dilay Nin Darawal Bajaale ah iyo ninkale oo la saarnaa bajaajta, waxaana lga bilaabo xiligaasi Goobta soo gaaray dibadbaxayaal farabadan kuwaasi oo ka soo horjeeday dilka saakay ka dhacay Isgoyska Howlwadaag.

Banaanbaxyaasha ayaa cago waa weyn ku gubay bartamaha isgoyska Howlwadaag waxaana weli socda banaanbaxyada.

Ciidamada Dawlada iyo qaar ka mid ah ilaalada shirkadaha Isgaarsiinta ee ku yaalla wadada Howlwadaag waxaana jira khasaare ka dhashay iska horimaadka dhexmaray banaanbaxyaasha iyo ilaalada shirkada Hormuud.

Dadka banaanbaxa waday ayaa isku dayay in ay xiiraan shirkada Isgaarsiinta Hormuud maaadaama ay soo wada xireen dhamaan xarumaha ganacsi ee ku yaalla halkaasi.

Shirkada Hormuud ayaa diiday in ay joojiso shaqada waxayne dibab baxayaasha isku dayeen in ay taayaro ku gubaan afaafka hore ee Shirkada, waxaana xiligaasi bilwday iska horimaad u dhaxeeya Ilaalada Hormuud iyo Dibadbaxayaasha.

Inta la xaqiijiyay 3 Ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday rasaasta ay fureen ciidamada Dawlada iyo ilaalada Shirkadahaasi.

Inkastoo ay jiraan warar kale oo intaasi ka sii badinaya khsaaraha, madaama uu weli socdo banaanbaxa iyadoona haatan la maqlayo rasaas.

Waxaa haatan xiran wadooyinka Muhiimka ah ee uu maanta ka dhacay dibab baxa waxaan yaala taayaro gubanaya oo ay gubeen dibab baxayaasha.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments