Ciidamada ka wada tirsan DF oo maalintii labaad ku dagaalamaya Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaallameen Ciidamo tirsan booliska iyo Milatariga Soomaaliya, xilli uu shalay isdaan oo kale shacay dagaal nuucaan oo kale ah.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Milateriga ah ay isku dayeen inay maraan bar koontarool oo Ciidanka Booliska ah ku leeyihiin Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid,hayeeshee uu soo kala dhexgalay isfaham waa sidaasina uu ku bilowday dagaalka.

inta la ogyahay laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi Militariga ay ku fureen askarta ku sugnayd Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay jiraan dad shacab ah oo ku dhaawacmay halka ay wax ka dhaceen oo aheyd meel ay ku yaalaan goobo farabadan oo ganacsi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments