Ururka Al-Shabaab oo dhaqaatiir ka soo afduubtay gudaha Kenya

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in Labo dhakhtar oo ajnabi ah laga afduubtay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, xilli ay u socden shaqo maalmedkoda.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dahqaatiirtan.

Afhayeen u hadlay Taliska Booliska dalka Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhaqaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandheera.

“Hal sarkaal ayey toogasho ku dileen, kadibna baabuurtoodii iyo dhaqaatiirtii ayey kala gudbeen xuduuda Soomaaliya” ayuu yiri Owino.

Owino ma sheegin cidda fulisay weerarka, Hase ahaatee kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ee maanta laga afduubtay dhaqaatiirta.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments