RW Kheyre oo Washinton kula kulmay madaxda sare ee USAID (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha dawlada federaalka Soomaaliya mdane Xasan Cali Khayre, iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa la iskula soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Mark Green u sheegay in Soomaaliya ay garowsan tahay taageerada lixaaadka leh ee USAID iyo howlaha ay Soomaaliya ka waddo, isla markaasna loo baahan yahay in la sii kordhiyo.

Ra’iisul Wasaare Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga Washington ayaa kulamo joogta ah la leh deeq bixiyeyaasha caalamiga ah iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirka caalamiga ah ee Guga oo ay ku kulmaan hay’adaha maaliyadda caalamka.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments