Militeriga Sudan oo ka tashtay sidii laga yeeli lahaa Al-Bashiir +Sawirro

Jen. Cawad Bin Cowf ayaa maanta loo dhaariyay inuu noqdo madaxa sare ee golaha militariga dalka Sudan, wuxuuna hogaamin doonaa dowladda ku meel gaarka ah labada sanno ee shalay lagu dhawaaqay.

Jeneral Cowf wuxuu ahaa wasiirka gaashaandhigga dowladdii madaxweyne Al Bashiir, waxaana uu bishii Febraayo loo magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, iyadoo loo arko ninka xilka ka dhaxli doona Cumar Al Bashiir.

Shir jaraa’id ay yeesheen militariga Sudan ee xukunka la wareegay ayaa waxay kaga hadleen arimihii ugu dambeeyay ee dalkaasi, sidii wax looga badali lahaa xaalada uu hada ku sugan yahay dalka.

Madaxa guddiga siyaaasadda ee militariga Sudan, Jen. Cumar Zeyn Al-Caabidiin ayaa sheegay in Cumar Al-Bashiir lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka isla markaasna aysan meel kale u kaxeyn doonin.

“Bashiir waxaa lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka” ayuu yiri Cumar Zeyn Al Caabidiin.

Waxaa uu intaasi raaciyay in muwaadin kasta oo reer Sudan ah oo dambi galay aanan la horkeeni doonin maxkamad shisheeye ah inta ay golaha militeriga ay hayaan awoodda dalka.

Jen. Cumar Zeyn ayaa sidoo kale sheegay in mustaqbalka dowlad rayid ah oo timaadda inay wax ka baddali karaan go’aankaas, iyadoo horeyna Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ay ku eedeeysay Al-Bashiir inuu gobalka Daarfuur dambiyo dagaal ka geystay.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments