15-qof ayaa ku dhintay 40-kalane wey ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Pakistan

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, qiyaastii 40 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuq qudaarta lagu iibiyo oo ku yaallaa magaalo ku taalla Waqooyi-Galbeed ee Pakistan.

Qaraxa wuxuu ka dhacay magaalada Quetta,  oo ay u badan yihiin dadka aaminsan madhabka Shiicada.

Suuqa waxaa ka buuxay dad adeeganayay markuu qaraxa dhacaayay, Saraakiisha dowladda ayaa  sheegay in ay suuragal tahay in dhimashada ay kororto.

Garab ka mid ah Ururka Taliban ee dalka Pakistan ayaa sheegatay masuuliyadda.

Warar kala duwan ayaa soo baxaya oo ku saabsan sida uu qaraxa u dhacay. Dadka qaar waxay sheegayaan in waxyaabo qarxa lagu qariyay meel ka mid ah suuqa qudaarta.

Sidoo kale waxaa jiro warar sheegaya in qof is qarxiyay uu ka dambeeyay weerarka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments