Militeriga Suudaan oo ku dhawaaqay xukuumad KMG ah ilaa labo sano

Wasaaradda Difaaca dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqday in dalka ay ka jiri doonto dowlada kumeel gaar ah muddo labo sanno ah.

Militariga Suudaan ayaa hadda shaaca ka qaaday in xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaasi ka talinayay muddo 30 sanno ah, Cumar Al Bashiir.

“Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka uu ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Sudaan.

Muddo 2 sanno ah ayaa waxaa xilka haynaya militariga dalka Suudaan, Waxa uuna sheegay in Al Bashiir lagu haynayo goob uu amaankeedu wanaagsanyahay.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments