Maxaabiis fara badan oo laga sii daayay xabsiyada dalka Suudaan

TV-ga Al Carabiya oo soo xiganayo ilo wareedyo ku sugan dalka Suudaan ayaa tebiyay in maxaabiistii siyaasadda u xirneyd lasii daayay xilli dadweynaha sugayaan go’aanka kasoo bixi doono militariga dalkaasi.

Telefishinka oo soo xiganayay ilo wareedyo ayaa sheegay ‘in dhammaan maxaabistii siyaasadda u xirneyd ee Suudaan lasii daayay.

Dhamaan warbaahinta dowladda Suudaan waxay baahineysa heesaha lagu ammaanayo qaranka suudaan.

Wuxuuna arinkaani ku soo aadayaa xilli militariga Suudaan ay sheegeen inay shaaca ka qaadi doonaan arrin wax ka badali karta xaalada wadankaasi.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments