Ganacsi ay lahaayeen Somali oo maanta lagu kala boobay Cape Town

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in deegaano katirsan magaaladaasi ka socdaan banaan baxyo rabshado wata oo lagu boobayo goobo ganacsi ay lahaayeen dadka ajaaniibta ah ay ku jiraan Soomaalida.

Dukaano ay Soomaalida iyo ajaaniibta kale ku lahaayeen deegaanka Strand ee hoostaga magaalada Cape Town ayaa la boobay ,waxaa jirta cabsi laga qabo in boob kale lagula dhaqaaqo xarumo kale oo ganacsi.

Sida aan wararka ku helnay xarumaha ganacsi ee la boobay ayaa 11-kamid ah waxaa iska lahaa ganacsato Soomaaliyeed, waxaana cabsi xoogan lasoo daristay ganacsatada Soomaaliyeed ee xarumaha ganacsi leh deegaanka Strand iyo xaafadaha ku dhaw dhaw.

Dalka Koonfur Afrika qeybo kamid ah waxaa ka socda banaan baxyo rabshada wata ay dhigayaan dadka u dhashay dalkaasi, waxaana banaanbaxyada yihiin kuwa lagu dhibaateenayo ajaaniibta sidoo kale lagu boobayo hantidooda.

Koonfur Afrikaanka ayaa ah dad inta badan daaqa xoolaha ajaaniinta ku sugan dalkooda oo ay ku jiraan Soomaali, waxaana marar badan lagu boobay ganacsato Somali ah iydoona mararka qaar layskugu daro Boob iyo Dil.

Dawlada Koonfur Afrika ayaa todobaad ka hor war ka soo saartay Boobka iyo dhibaateynta ay caadeysteen dadka u dhashay dalkaasi ee horarka ah, waxuuna hadalkii dawlada u muuqdaa mid aan dhag jalaq loo siinin.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments