Cidda sii hogaamineyso dalka Suudaan oo la shaaciyay

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayay u badan tahay in uu xilka ka degay, islamarkaana Ciidanka Milatariga Suudaan ay la wareegeen Awoodda dalka ayna doonayaan in ay dejiyaan dadka Shacabka.

Shirkii deg degaa ee ay yeesheen ayaa lagu shaaciyay in General Ahmen Awad Ibn Auf si rasmi ah uu ula wareegay Hoggaaminta tallada Laamaha Ammaanka dalka Suudaan, islamarkaana uu sii noqon doono Hoggaamiyaha dalka.

Madaxweyne Al-Bashiir wali ma hadlin, waxaa la aamisan yahay in uu yahay xabsi guri,islamarkaana la xiray raggii agdhawaa ee ahaa saraakiisha Ciidanka.

Waxaa kale oo la xiray Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Bakri Axmed Saalax iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Dhaha iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments