Xal laga gaaray murankii iyo fowdadii ka dhex dhacday kulankii G/Shacabka

Waxaa xal laga gaaray buuqii iyo doodii ka dhalatay kulankii Golaha Shacabka ee looga doodi lahaa  arrimaha amniga kaas oo Xildhibaanada ay isku khilaafeen arrimo la xiriira inay Saxaafada banaanka ka joogto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaano kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xal looga gaaray buuqii ka dhashay in Warbaahinta laga mamnuuco kulamada Golaha Shacbaka,iyada oo la isku raacay in la ilaaliyo nidaamka u yaalla Golaha Shacabka.

Qodobo dhowr ah ayaa kasoo baxay kulankaas, iyada oo amaro la dul-dhigay Wariyeyaasha ka qeyb galaya Kulanka ugu soo horeeya ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Qodobo ka mid ah waxyaabihii kasoo baxay kulankii Maanta.

1: In kulanka ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka la qabto Maalinta Sabtida ah ee soo socota,isla markaana xildhibaanada la xiriira dhinaca amniga laga dhageysto, iyada oo Wariyeyaasha ay goobjoog ka noqon doonaan.

2:-In Maalinta xigta ee Axada ah in laamaha Amniga ay baarlamaanka hortagaan waxna laga weeydiiyo arrimaha amniga,iyada oo Saxaafada ay banaanka ka joogto.

3: In Wariyeyaasha tagaya  golaha Shacabka ay Soo xirtaan jaakado ay ka muuqato Warbaahinta ay ka socdaan calaamadahooda iyo magacyadooda.

4: In saxaafada lasiiyo kaarar aqoonsi ah inta ay Golaha ku sugan yihiin,isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda u yaalla Baarlamaanka dalka.

Go’aanada kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada shirka ku yeeshay Magalada muqdisho ayaa meesha ka saaraya murankii ka dhashay dhawaan kulankii looga hadli lahaa amniga ee Su’aalaha lagu weeydiin lahaa laamaha Amniga dalka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments