Wasiiru dawlaha arimaha dibada oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay denjire Choi Yeonghan

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay maanta xafiiskiisa Wasaaradda Mudane Choi Yeonghan, Safiirka Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya ee  fadhin doono Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan ku saleysan.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments