Amarro adag oo la duldhigay wariyeyaasha Muqdisho kadib kulan maanta dhacay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay wada yeesheen Guddi uu guddoomiyaha Golaha Shacbaka u xil saaray Arrimaha Saxaafada ee Baarlamaanka iyo Madaxda Ururada Saxaafada, kaas oo looga hadlay arrimo la xiriira Saxaafada iyo sida ay u qaabilayaan kulamada Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey gudoomiyaha guddiga saxaafadda Barlamaanka Khaalid Mocow, waxaana laga soo saaray dhowr qodob ay ku heshiiyeen Madaxda Warbaahinta iyo Guddiga ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga wakiilka ka ahaa Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Madaxda Warbaahinta usoo gudbiyeen dhowr waxyaabood ay ka qabaan suxufiyiinta,waxaana ka mid ah;.

  • Inay yartahay wadashaqeynta Baarlamaanka iyo Saxaafadda.
  • Caqabada dhowr ah oo laga tabtay Bahda Saxaafadda.
  • In  goobta Warbaahinta loo asteeyey oo aysan ku ekaanin xilliga ay Shaqada ku jiraan.
  • In Wariyaasha iyo dadka kale (astaan la’aan) oo aan la kala aqoonin
  • Tirada Wariyaasha soo gala Xarunta Baarlamaanka oo aad u badan.

Wadahadal iyo dood dheer kadib ayaa Madaxda Warbaahinta iyo Guddiga ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ay talo ahaan u soo jeediyeen.

  • In  Wariyeyasha ay ku soo hor maraan goobta loo asteeyey qalabkoodana  ku diyaarsadaan
  • In Wariyeyaasha soo xirtaan cCalaamad muujinaysa xarunta uu ka socdo inuu wato sida jaakad ama fanaanad lagu buufiyey magaca Xarunta uu u Shaqeeyo.
  • in Wariyeyaasha la siiyo Aqoonsi  laga leeyahay xarunta Baarlamaanka marka ay gelayaan Xarunta Golaha Shacabka.

Go’aanada kasoo baxay Guddiga ka socda Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxda Warbaahinta shirka ku yeeshay Magalada muqdisho ayaa meesha ka saaraya murankii ka dhashay dhawaan kulankii looga hadli lahaa amniga ee Su’aalaha lagu weeydiin lahaa laamaha Amniga dalka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments