Madaxweyne Farmaajo oo balan hor leh la galay ciidama labada sano oo hor leh (Video)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay oo isniin aheyd kormeer ku tagay dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey isaga fogeeyey guul-darrada fulinta ballan-qaadkiisa ahaa inuu laba sano dalka uga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha wuxuu balan kale la galay saraakiisha ciidamada, isagoona u balan qaaday in uu meel u saarayo xuquuqdooda, islamarkaane ay kaso baxaan waajibaadkooda, labada sano ee soo socota.

Facebook Comments