Al-Shabaab oo ka falceliyay xasuuqii muslimiinta New Zealand (Akhriso)

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeyay waxay ka hadshay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, taasi oo ay ku dhinteen dad Muslimiin ah oo gaarayay ilaa 49-ruux halka afartameeyo kalane ay ku dhaawacmeen.

Weerarkaan ayaa imaaday kadib markii uu nin cunsiri hubeysan uu rasaas bilaa xadi ah ku furay 200 oo qof oo ku dukanayay Masjidka Al-Nuur ee magaalada Christchurch, taasi oo keentay in uu masjidkii lagu kala cararo.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ugu horeyn sheegay inay ka tacsiyeynayaan dadka weerarka ku dhintay, isagoo sheegay inay la xanuunsanayaan ehelada dadka waxyeelada soo gaartay.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhigan yahay dhagarta Gaalada ay u qabaan shacabka Muslimiinta ah, waxaana uu sheegay in taasi aysan ka dhigneyn inay niyad jabaan Muslimiinta.

“Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

Ururka Al-Shabaab ayaa mararka qaar ka hadla dhacdooyin nuucaan oo kale ah ee loo geysto muslimiinta ku nool dunida dacaladeeda, Waxaana xusid mudantahay in iyagoo sidaasi khiirada leh uga jawaab celinaya xasuuqa muslimiintaasi, ay iyagana xasuuq kale ka wadaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments