Qarax maanta ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

Waxaa uu maanta qarax ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in uusan qaraxaan sababin wax khsaare ah.

Qaraxaan oo ahaa mid gaari hoosta looga soo xiray, ayaa goordhaw ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Daarta Tree Biyaano iyo Isgooska wadada Shaqaalaha.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa lagu soo xiray gaari nuuciisu yahay SURF oo la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta dambi baarista CID-da.

Waxaana la sheegayaa in uusan qaraan geysan haba yaraatee wax khasaare ah, darwalka ayaana la sheegay in uu gaariga ka shakiyay kadibna uu isaga degay, waxaana goobta gaariga ku qarxay laga fogeeyay dhamaan dadkii ka agdhawaa.

Ma jirto cid shegatay mas’uuliyada qaraxaasi miino ee lagu xiray gaariga, wuxuuna qaraxan ka mid noqonayaa qaraxyada ay ku guuldareystaan dhagarqabayaasha gawaarida ku xira qaraxyada, iyadoona ay jiraan qaraxyo badan oo nuucaan oo kale ah kuwaasi oo horey uga dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments