Mareykanka oo shaaciyay in ay dileen saraakiil Al-Shabaab ah

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war kasoo saaray duqeyn lala eegtay ciidamo katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka SHabeelaha Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay aheyd mid ka dhacday deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose, islamarkaana lagu dilay labo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Huleey  oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, waxaana lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida qoraalka lagu sheegay.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu cadeeyay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, balse kaliya ay khasaaraha uu gaaray Al Shabaab.

Sidoo kale warkaan ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid Istaraatijiyad ahaa, islamarkaana lagu taageerayey Ciiddanka dowladda , si culays loogu saaro  Al-shabaab, waa sida ay sheegteen.

Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii kordhineyo duqeymaha iyo weerarada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ay ka fulineysa deegaanada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments