Kenya oo soo bandhigtay hub iyo askar ka tirsan Al-Shabaab

Dawlada Kenya ayaa war ka soo saartay dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Kenya ayaa shaacisay in seddex kamid ah Al Shabaab ay ku dileen weerarka islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kamid ah ciidamada Al Shabaab.

Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay hub iyo rasaas badan oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Al Shabaab ee ay kula dagaalameen deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Gedo.

Afhayeenka Ciidanka difaaca Kenya Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo ku jiro howlgal Roondo ah ay weerar kala kulmeen Al Shabaab, kadibna ay dileen xubnaha ka tirsan Al Shabaab.

Paul Njuguna ayaa sheegay in qoryaha ay gacanta ku dhigeen ay ku jiraan labo qori oo nooca AK 47 ah iyo rasaas badan oo ay lahaayeen Al Shabaabka weerarka gaadmada ah ku qaaday ciidamada Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamooda ku jira AMISOM ay heegan sare ku jiraan marwalba una diyaar garoobeen in ay ka hortagaan weerarrada AL-shabaab.

Ciidanka Kenya ayaa Bishii January ee la soo dhaafay sheegay in ay dileen 7 ka mid ahaa Al-shabaab kana qabsadeen hub farabadan, kadib dagaal dhexmaray labada dhinac.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments