SAWIRRO: RW Kheyre oo kormeeray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo iyo Madaxweynaha maamulka Jubbland mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha maamulkaasi.

Wasaaradaha ay maanta kormeereen RW Kheyre iyo Axmed Madoobe ayaa ku gudo jiray shaq maalmeedkooda caadiga ah, taasi oo keentay in ay la kulmaan wasiiro, qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha wasaradaasi oo watay howlahooda shaqo.

Ugu horayn waxaa kormeerkooda ay ka bilaabeen Wasaarada Arimaha gudaha iyadoo Wasiirka Wasaaradu uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay hayaan si gaar ah wuxuu u sharaxay hanaanka bixinta Jidadka Caasimada KMG ah iyo adeegyada loo qabto dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga dhadhaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay kaalmo u baahan yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha iyo kuwa kasoo noqonaya Dhadhaab kuwaas oo ay ku adag tahay in ay la qabsadaan Nolosha loona baahan yahay in shaqo abuur loo sameeyo Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynahu in ay diyaarisay goobo ku wanaagsan kaluumaysiga iyo beeraha oo shaqo abuur looga samaynayo dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga loona baahan yahay doorkii Dowlada Federaalka ah.

Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaarahu waxaa kale oo ay booqdeen Wasaarada Maaliyada iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha iyadoo Wasiirku uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay wasaaradu hada gacanta ku hayso.

Xarumo ay ku shaqeeyaan inta badan Wasaaradaha Dowlada oo dhawaan xariga laga jaray ayay masuuliyiintu booqdeen maanta iyagoo u kuur galayay sida dhaqada umada loo hayo ay u socoto.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments