RW Kheyre iyo madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Kismaayo

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka gobaledka Jubbaland ayaa sheegaya in xalay kulan albaabada u xirnaayeen wada qaateen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah vwaftiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in kulanka muhiimadiisa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ayaa kulankii xalay yeesheen oo ahaa mid horu dhac ah la sheegay in ay isku fahmeen qodobada qaar, waxaana la filayaa in maanta mar kale kulamo kale yeeshaan.

RW Kheyre ayaa horey u sheegay in la xalin doono tabashada ay qabaan Jubbaland, lamana oga sida dowlada Federaalka ku xalin karto ayna ku kasban karto kalsoonida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ah Hogaamiye mayal adag.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda shirar iyo wadatashiyo ay leeyihiin Masuuliyiinta ka socota dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxaana la filayaa in magaalada ka dhacaan munaasabado waa weyn.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Kismaayo u tagay sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii u dhaxeeyay Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka, lamana oga in dowlada Axmed Madoobe ka taageeri doonto doorashada ama ku qancin doonto in uusan taramin.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments