Madaxweyne Deni oo daah furay Shirka Jiheynta Siyaasada Puntland +Sawirro

Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta daah furay shirka Jiheynta Siyaasada Maamulka Puntland, oo looga danleeyahay sidii ay shacabka reer Puntland u heli lahaayeen ‘Hey’ado iyo Adeegyo joogta ah’.

Ujeedooyinka shirkaan ayaa ka koobnaandoono qodobo ay ka mid yihiin:-

1. Xogsiinta xubnaha Golaha Xukuumadda cusub dhinacyada habraacyada iyo xeer hoosaadka Golaha.

2. Diyaarinta ” Qorshayaasha hortabinta leh ee 2019 ” ee hay’addaha dowladda.

3. Xoojinta wadashaqaynta hay’addaha dowladda.

4. Ka doodista arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, si loo abuurto jawi iyo fahan ballaaran oo ku saabsan maaraynta iyo hogaaminta dalka.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo dhan seddax maalin (12-14 march), wuxuuna ka dhacayaa hoolka wasaarada qorsheynta, iyadoona lagu dhameystiro “mudnaanta istaraatiijiga ah” (strategic priorities) ee 2019 ee hey’adaha dawlada oo salka ku haya barnaamijkii madaxweyne Deni.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments