Al-Shabaab oo shaaciyay in ay dileen sargaal ka tirsan ciidanka Mareykanka

War ka soo baxay Taliska sare ee xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru-Salaam ee gobalka Shabeelaha Hoose ay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku dileen sargaal sare oo ka tirsan Taliska AFRICOM.

Al-Shabaab waxay xaqiijisay inay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee jooga dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhaawacday 2 askari.

” Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee  Shabeelaha Hoos waxay Al-Shabaab khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Mareykanka, waxaan muslimiinta ugu bishaaraynaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay inay  dagaalkii xalay ku dileen 6 kamid ah Ciidamada Bangaraafta loo yaqaan.

Sidoo kale waxay Xarakada Sheegtay inay gacanta ku dhigtay hubkii iyo qalabkii Melleteri ee uu watay sarkaalka Mareykanka ee lagu dilay dagaalka iyagoo intaas kusii daray inay ciidamada huwanta ah u suurtgashay  in ay goobta dagaalka si dirqi ah uga qaataan Meydadkii iyo dhaawacyadii gaaray sida lagu baahiiyey warbaahinada Al-Shabaab.

Sanaddii 2017 weerar sidaan oo kale uga dhacay deegaanka Daaru-Salaam ayay Al Shabaab ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Mareykanka kaas oo kamid ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu dilay Sheekh Osama Bin Laden Hoggaamiyihii Ururka Al Qaacidda sida ay Xarakada sheegatay.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments