Warar cusub duyuuradii Ehtiopian Airlines ee shalay burburtay

Waxaa weli soda hadalo la xiriira duyuuradii ay laheyd shirkadda Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay meel aan ka fogeyn magaalada Addis Ababa ee ay ka duushay, kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku nafwaayay dad gaaraya 157 qof.

Shirkadda dayuuradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhow boggeeda Twitterka ku shaacisay in la helay sanduuqa madow ee dayuurada oo ilaa shalay la baadi goobayey.

Afhayeen u hadlay shirkada oo la hadlay TV-ga CNN ayaa sheegay in sanduuqan uu fududeyn doono in wax laga ogaado sababihii keenay burburka dayuurada iyo wixii dayuurada gudaheeda ka dhacay daqiiqado ka hor inta aysan burburin.

Dhinaca kale, dowlada Indonesia ayaa noqotay dowladii 3aad ee shaacisay iney fariisisay dhamaan dayuuradaha Boenig 737 Max-8 ka dib burburkii shalay ku dhacay dayuurad taas la mid aheyd oo laga lahaa dalka Itoobiya.

Dayuurad noocan ah oo ay laheyd Indonesia ayaa sanadkii hore burburtay wax yar ka dib markii ay ka kacday garoonka dayuurtadaha Jakarta, waxaana ku naf waayey 189 qof oo la socday.

Dowladaha Itoobiya iyo China ayaa ku dhawaaqay maanta iney joojiyeen isticmaalka dayuuradahan ilaa amar dambe, iyadoo dalal kale oo caalamka ka tirsan ay ka fiirsanayaan iney qaataan go’aankan oo kale.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments