RW Kheyre oo si qurxan loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan xubna kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo taliyaasha ciidanka Booliiska iyo meteriga ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee dawlad gobaleedka Jubland.

Madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ku-xigeennadiisa, guddoonka baarlamaanka, golaha wasiirrada, xildhibaanda Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaarada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wafdigan ay yimaadeen gurigoodii oo aanay marti ku ahayn wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin imaatinkooda.

Ra”iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland iyadoo loo garaacay Astaanta qaranka waxaana Ra”iisul Wasaarahu uu gacan haatiyay qaar kamid ah dadweynahii soo dhaweeyay.

“Madxwayne Axmed Waa mahadsantahay, Dhammaan adiga iyo madaxda kale ee Jubaland waa idinkaga mahadcelinayaa soo dahwaynta. Guud ahaanna Shacabka reer Jubaland waan u mahadcelinaayaa. Halkaan waxaa ka muuqata Faraxad iyo rayn rayn. Waa ogahay in aad qoradaxa taagneedeen waa ogahay in aad na sugayseen laakiin waxaan rabaa sida aad noo sugaynseen in aan idiinkugu sheego Sidaas iyo si ka badan inaan raalli idinkaga nahay” ayuu yiri Kheyre.

Madaxda ayaa loo galbiyay gudaha Magaalada Kismaayo iyadoo Aargada Kismaayo ay kula hadleen boqolaal dadweynaha Magaalada ah oo halkaas isugu soo baxay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay guul weyn oo nabadgalyada iyo Dowladnimadu ay sababeen in dadkan ay qoraxda u yimaadeen si ay u dhagaystaan madaxdooda.

Socdaalkiisu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa, waxa uu salka ku haya xoojinta wada shaqaynta dawlad gobaleedka Jubaland iyo dawladda dhexe, arrintaas oo muhiim u ah geedi socodka soo kabashada, dib-u-dhiska Soomaaliya iyo soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments