Madaxweyne Farmaajo oo markale u ambabaxay safar dibada ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa mar kale Maanta u baxay Safar dibadeed, iyagoona ku sii jeeda dalka Uganda oo ka mid ah dalalka ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya kadib markii uu casuumaad buuxda ka helay dhigiisa Uganda, Yuweri Museveni, waxaana la sheegay in ay labada ma’uul ka wada hadli doonaan arimo badan oo ay ka mid yihiin; Amaanka, Dhaqaalaha iyo Hormarka labada wadan.

Farmaajo iyo Museveni ayaa si gaar ah uga wada hadli doono Ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab  sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweynaha Uganda uu ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala soo bixi doono dhammaan inta uu qeyb kamid ah kala soo bixi lahaa.

Uganda ayaa Soomaliya waxaa ka jooga ciidamo fara badan, kuwaasi oo ku howgalla Magaca AMISOM,  iyagoo dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiya dhanka amniga iyo dagaalka ay kula jirto dagaalamyaasha Al-Shabaab.

Ciidamada Uganda ayaa fursad fiican u aragto ciidamada ka joogo Soomaaliya, maadaama ay ciidamadooda ka helaan mushaar aad u badan marka loo fiiriyo mushaarka ay qaataan ciidamadooda ka howlgalo Uganda.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments