Jinsiyada dadkii ku dhintay shilkii Ethiopian Airlines oo la shaaciyay (Akhriso)

Duyuurad ay leedahay shirkadda duyuuradaha ee Ethiopian Airlines ayaa maanta barqadii ku burburtay duleedka magaalada Addis Ababa, xilli ay rakaab kula sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana jira khasaare fara badan oo ka dhashay shilkaasi.

Dad badan oo ka soo jeeda dalal kala duwan ayaa la sheegay in ay ku geeriyodeen dhacdadaasi, oo ay ka mid yihiin dad Somali ah.

Waxayne dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 35 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo ka tirsanaa Hab Maamuuska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Diyaaradda.

Cabdishakuur ayaa ka yimid dalka Sweden, wuxuuna ‘Transit’ ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay.

Wuxuu doonayey inuu Muqdisho kusoo laabto marka uu soo dhameysto howlo shaqo oo uu u adaayey Dalka kenya.

Liiska dadka ku dhintay shilkaasi ee ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulka shirkadda Ethiopian Airlines, waxaa jira halkaan ruux ee ka tirsanaa xafiiska RW Xasan Cali Kheyre, inkastoo ay dhici karto in ay jiraan Soomaali kale balse heysta dhalasho shisheeye.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha weli kamuusan hadlin dhimashada Cabdishakuur, waxayne sheegeen in laga hadlayo markii la soo bandhigo magacyada dadkaasi, inkastoo ay qoyska Cabdishakuur sheegeen in uu raacay duyuuradaasi.

Hoos ka Akhriso liiska jinsiyadaha ay soo bandhigeen madaxda Ethiopian Airlines

32 Kenyan
18 Reer Canada
9 Itoobiyaan
8 Shiinees
8 Talyaani
8 Ameerikaan
7 Faransiis
7 Ingiriis
6 Masaari
5 Jarmal ah
1 Baasaboor Qaramada Midoobay watay
4 Hindi
4 Slovakia
3 Australia
3 Ruush
3 Sweden

2 Spain
2 Poland
1 Indonesia
1 Ireland
1 Rwanda
1 Sucuudiga
1 Somalia
1 Serbia
1 Nepal
1 Nigeria

2 Morokaan
2 Israaiiliyiin
1 Biljim
1 Ugandhiis
1 Yemeni
1 Sudaniis
1 Togo
1 Muzambiik
1 Norway

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments