R/Wasaare Kheyre iyo wafdiguu hogaaminayay oo gaaray dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay waxa ay gaareen  magaalada Geneva ee dalka Switzerland,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada , haweenka iyo xaquuqul Insaanka.

Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka ee la filayo in uu dalkaasi ka qabsoomo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

 

Facebook Comments