Kulanka 3-geesoodka ah ee Ethiopia, Eritrea iyo Kenya ku dhexmaraya Asmara +Sawirro

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Keyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta safar ku tegay mafgaalada Asmara ee caasimadda dawlada Eritrea, waxaana halkaasi ka dhacaya kulan seddex geesood ah oo ka dhaxeeya dawladahaasi 3-da ah, waxaana si weyn u soo dhaweeyay labada Ma’suul Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Saddexda hoggaamiye ee isugu tegay magaalada Asmara ayaan faafhaahin badan laga bixin qorshahooda, balse Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa sheegay in shirka saddex geesoodka ah ay uga hadli doonaan arrimaha Gobolka, ayna jiri doonaan shirar kala gaara oo ay yeelan doonaan.

Hore waxaa magaalada Asmara kulamo saddex geesood ah ugu yeeshay madaxda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea, taasoo ay walaac ka muujisay dowladda Kenya, waxaana hadda muuqata in madaxweynaha Kenya uu qaaday tallaabo diblomaasiyadeed kadib markii uu booqasho rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya.

Shirka saddex geesoodka ah ee ay Asmara iskugu tageen hogaamiyeyaasha dalalka Itoobiya, Kenya iyo Eritrea ayaa shaki badan gelinaya madaxda sare ee dowlada Somalia, maadaama uu ku soo aaday xili dhowaan uu xumaaday xiriirka dowladaha Somalia iyo Kenya.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments