Dhaawacyo xad dhaaf ah oo la geeyay isbitaalada Muqdisho!

In ka badan 100 ruux oo dhaawac ah iyo meydad badan ayaa illaa xalay la gaarsiiyey isbitaalo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasoo waxyeelo ay ka soo gaartay qarax ismiidaamin ah iyo weerar toos ah oo lagu qaaday hotelka Maka Al-Mukarama iy nawaaxigiisa kaasoo muddo 10saacadood ka badan weli socda.

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Madiina ayaa sheegaya in xalay oo kaliya la geeyey dad dhaawac ah oo gaaraya 36 qof iyo meydadka 9 kale, sidoo kale isbitaalka Digfeer ayaa la gaarsiiyey tiro intaas ku dhow, waxaa kaloo jira dhaawacyo fara badan oo la gaarsiiyey isbitaalada kale ee magaalada, iyadoo meydadka iyo dhaawacyada qaarkood la aqoonsan waayey.

Waxaa kale oo jira meydad iyo dhaawacyo badan oo ku hoos jira dhismayaasha burburay ee ku yaalla wadada Maka mukarama kuwaasoo isugu jira hotelo, carwooyin, maqaayado iyo dhismayaal kale oo qaar kood uu dab xoogan qabsaday, sidoo kale waxaa wadada daadsan gaadiid gubtay oo dadkii watay ay ku dhinteen, waxaana qaraxii xalay lagu tilmaamay mid dhul gariir ah oo kale ah oo aad u xoog badnaa

Gurmad dadweynaha looga codsanayo iney dhiig u shubaan dhaawacyada yaala isbitaalada ayaa ka bilowday baraha bulshada iyo warbaahinta maxaliga ah, iyadoo weerarkan uu dadka soo xusuusiyey qaraxii Zoope ee dadka faraha badan ay ku dhamaadeen sanad iyo bar kaa hor.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments