Wararkii ugu dambeeyay: khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Caawa

Warar hor leh ayaa ka soo baxaya qaraxadii xooganaa ee caawa ka dhacay Muqdisho waxaana la soo sheegaya ay qaraxyadaasi ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, intaa waxaa dheer burbur ba’an oo soo gaaray dhismeyaal ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay.

Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ku dhawaad 15 ruux, halka dhaawaca uu yahay 40 qof.

Khasaaraha ayaa la ogyahay inuu ka badnaan karo intaas, waxaana weli isa soo taraya wararka la xiriira khasaaraha, inkastoo aan haatan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah.

Qaraxyada ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ayaa ahaa laba qarax oo ay u dhaxeysay ugu yaraan saacad iyo bar, waxaana sidoo kale jira rasaas xooggan iyo weerar ay qaadeen dagaalyahano taabacsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa xaalad kacsanaan ah wali ka jirta magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama, waxaana qeybo badan oo laamigaasi caawa xiray kuna sugan ciidamada amaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments