Maxuu ahaa qorshaaha Al-Shabaab ee qaraxyadii Muqdisho !!??

Waxaa weli lagu soo waramayaa in ay sii kordheyso dhimashada, dhaawacyada iyo Burburka ka dhashay qaraxyadii ay caawa Kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen Gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Maka Al-Mukaramah.

war goor sii horeysay ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lag sheegay in ay Kooxdu Qorshe weyn ka laheyd Qaraxyada ay caawa la eegatay Dhismeyaasha Ganacsi iyo Hotelka Weyn ee Maka Al-Mukaramah.

Waxayne sheegeen in uu ujeedkoodu ahaa in ay Dawlada Soomaaliya tusaan in ay Burbur xoogan ka geysan karaan gudaha Caasimadda dalka, gaar ahaan meelaha aadka u dhisan muhiimkane ugu ah Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in qorshahoodu ahaa in marka qaraxa uu dhaco, aaladaha qarxa ay kasoo buuxiyeen fuustooyinka ay ku firxadaan waddada iyo dhismooyinka, si khasaraha ugu xooggan oo ay awoodaan ay u gaystaan.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu jiro burbur aad u xooggan oo ka muuqda goobta qaraxa uu ka dhacay iyo dhismooyinka ka ag dhow. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac badan, inkasta oo weli aan la hayn tiro rasmi ah.

Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments