Maanta macsalaamey xanuunka Gaaska !!! (Talooyin)

Maxaa keena Caabuqa Gaaska (Gastritis)?

Gaaska waa xanuun  badanaa somaalida aad ugu   sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaaana keena dhowr sababood oo kala ah:

  • Daa wooyinka qaarkood sida aspirinka, Antibiotiska qaar ka mid ah iyo kuwa kalaba
  • Ashatada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun Ashatada caloosha ku badiyay.
  • Alcoholo cabbid
  • Cunada kuwa dhamaanka ama dufinka badan leh ama besbaas ka leh ama khamiirka leh.
  • Sigaar cabidda ama isticmaalka tubaakada

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu dareemaa calaamad ka mid calaamadahaan:-

Calool xanuun (bog xanuun).

Dibiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhax wareegato).

Labo labo ama matagid (cuntada oo markaa aragto labo labbo kuqabat).

Kuleel iyo kor hur (khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha).

Af qaleeyl iyo carabka oo dhabro yeesho.

Qofka wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ka mid ah ama labo’ qofka haduu gaas qabo waa inuu laxariiraa dhakhtar si loo daaweeyo lana ogaado gaaska uu qabo nuuca yahay.

Talooyinka Caafimaad.

Cunto beddelid ama iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.

Daawooyinka sida lagu faray uqaado.

Cab oo kaliiya cabitaano cad ama cuntooyinka aan dhananka laheen sida kuwa ladubay.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments