Madaxweyne Farmaajo oo u safray Qatar & Ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado kadib markuu kasoo laabtay dalka Masar wuxuu maanta u ambabaxay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kaga horeeyay magaalada Doha Fahad Xaaji Yaasiin, waxaana socdaalka ku wehliya wasiiro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee maanta u duulay dalka Qatar.

Booqashada MAdaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmeyso xilli ay todobaadkii hore ay dawlada Qatar dhagax dhigtay mashruuc ay maalgelineyso, kaasi oo ah dhismaha wadooyinka Xiriiriya Muqdisho – Afgooye iyo Muqdisho – Jowhar.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments