Wax badan ka baro Xasaasiyadda

Waa maxay xasaasiyad?

haddii qof uu xasaasiyad leeyahay waxaa suurto gal ah in uu ka jawaab celiyo, tusaale ahaan waxa ruuxa dareemayaa diif qoyan, waxaa ku adkaaneeysa neefta, indha cun cun ama finan kasoo baxa maqaarka, inkasta ay tani tahay mid naadir ah. waxaa kale oo suurto gal ah in ruuxa kaga jawaab celiyo, dareen celintu waxeey noqon kartaa mid nafta halis galisa    waxaana looyaqaanaa xasaasiyada shooga ama kugu soo boodeeysa si baraad la’aan ah.

Xasaasiyada ama cuncunka, waxa ay dhacdaa marka jirka uu jawaab ka celiyo sheey waxaana jira nuucyo xajiinta ah oo kala duwan kuwa ugu badan waxey kala yihiin:-

  • Xasaasiyada hawada ka dhalanta sida busta ama boorka ama dufta xoolaha.
  • Xasaasiyada taabashada sida birta  iyo kiimikooyinka.
  • Xasaasiyada ka dhalata cuntada sida ukunta, looska, digirta, iyo digaaga.
  • Xasaasiyada ka dhalata daawooyinka.

Calaamadaha Xasaasiyadda

Finanka, hindhisada, indhaha oo cun cun leh, barar iyo qufac .

Daaweyn  (dadka waa ween)

Cetrizine tablet 10mg   10-xabo    1×2 ama   dexamethosone Tablet 1.5mg  xabo 1xabo

Sida ugu haboon oo looga hortagi karo

  • Inaad ku dadaashaa nadaafada guud iyo mida gaarka ah ba.
  • Inaadan cuninka cuntooyinka keeni kara cuncunka.
  • Sida kuwii aan kor kusoo xusnay.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments