Dil argagax leh oo kadhacay magaalada gaalkacyo

Gabar da’yar ah oo illaa xalay la baafinayay ayaa la helay maydkeeda oo jir dil arxan darro ah uu ka muuqday, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.
Caa’isha Ilyaas Aadan , oo 12 jir ah ayaa la
sheegay in gurigooda ay ugu war dambeysay subixii Axadda ,balse saakay ayaa la soo dhigay meel ku dhow guriga eheladeedda maydkeeda.
“Arrintan waa mid ugub ku ah Gaalkacyo iyo deegaannadan, waa mid nagu beertay argagax”. ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Gaalkacyo.
Saraakiisha ayaa sheegay maydka Caa’isha in la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo baaritaan uu ka socdo, warar kale ayaa sheegaya in hal qof loo xiray dilkan.
“Waa wax laga naxo in gabadh da’yar ah sidan dhan loo jir dilo”. ayuu yiri sarkaal ka tirsan isbitaalka guud ee Gaalkacyo.
Dilka Caa’isha ayaa kacdoon ka dhaliyay baraha bulshada,iyadoo hay’adaha ammaanka laga dalbaday in si dhaqso ah loo soo xiro cid walba oo lala xiriiriyo dilkan.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Waxbarashada gobalka Mudug, Axmed Huruuse Xaashi ayaa sheegay in Talaadadda berri ah  la fasaxay dhammaan xarumaha waxbarashada degmada Gaalkacyo, si dareen looga muujiyo dilka loo gaystay, Rabbi ha u naxariistee, Caaisha Ilyaas Aadan oo ka mid aheyd ardayda dugsiga hoose iyo dhexe ee Salaama.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments