Dowlada soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka dowladaha carabta iyo midowga yurub.

 

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Sharmal El-Sheikh ee dalka Masar uu ka furmo shirka madaxda wadamada Carabta iyo midowga Yurub, waxaana shirkaa Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in shirkaasi looga hadli doono xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka iyo Amniga, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa.

Wadamada Midowga Yurub ayaa xilligaan waxa ay doonayaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Wadamada Carabta oo qaarkood ay qani ku yihiin Shidaalka iyo Saliida,waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah wadamada Yurub ay martigeliyaan Qaxooti Carbeed oo wadamadooda dagaalo uga cararay.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments