Xildhibaan ka tirsan Dawlada Federaalka oo lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow magaalada lagu dilay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre, oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, waxaana dlkaan fuliyay kooxo hubeysnaa, sida ay sheegeen joobjoogeyaal.

Wararka ayaa sheegaya in ragga ka dambeeyay dilka xildhibaan Boqorre oo watay gaari ay goobta ay si deg deg ah uga baxasdeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka xildhibaan Boqorre.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu caansan baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna xubin baarlamaan ahaa tan iyo dowladdii KMG ahayd.

Naxariiste Alle alaha ka waraabshee, Xildhibaan Boqorre ayaa mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa, Sidoo kale Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna xilal yar yar iyo kuwa waa weyn ka soo qabtay dalka.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments