Galmudug oo gacanta ku dhigtay hub loo siday Al-Shabab kane yimid P/land (Sawirro)

Wararka inaga soo gaaraya magalada Dhuusomareeb ee gobalka Galguduud ayaa sheegaya in uu maamulka Galmudug uu gacanta ku dhigay gaari hub u siday xarakadda Al-Shabaab kaa oo la yeegay in ka imaaday dhinaca maamulka Puntland.

Ciidamada Amaanka Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa gacanta ku dhigay gaari Caasi ah oo hubkaan u siday Kooxda Al-Shabaab, waxayne soo bandhigeen hubkii iyo gaarigii siday.

Taliska Amaanka Galmudug ayaa sheegay in ay qabteen gaari Hoomey ah oo hub badan u waday Al-Shabaab, kuna sii jeeday deegaano ka tirsan gobalka Hiireen waxaana, iyagona sheegay in ay haatan hayaan Hubkii iyo gaarigii siday.

Wuxuuna Taliska Amaanka FGalmudug sheegay in ay gaadiidka ay qabteen ay dhawaan faah faahino buuxa ka bixin doonaan, Halka rasmiga ah uu ka yimid! iyo halka uu ku wajahnaa!.

Hoos ka daawo Sawirro

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments