Maxay Farmaajo iyo Tarsan uga hadleen kulanoodii Villa Somalia?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Denjiraha dawlada Soomaaliya ee laga soo ceyriyay Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa kulan ku yeeshay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qabilay safiir Tarsan, oo shalay ku soo laabtay dalka, kadib markii ay Dawlada Kenya ku wargelisay in uu u laabto wadankiisa islamar ahaantaane uu la soo tashto dawladiisa.

Ambassador Tarsan ayaa warbixin ka siiyay madaxweyne Farmaajo xaaladda siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeya Kenya oo xumaaday markii Kenya ay shaacisay inaysan la dhacsaneyn Shirkii ka dhacay magaalada London.

Qoraal shalay ka soo baxay wasaarada arimaha deibade Dawlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uusan jirin dhul uu shidaal ku jiro oo ay Kenya leedhahay oo lagu kala saxiisday London.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay safiir Tarsan ku wargaliso in uu Kenya ka baxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay, waxaana qoraalkii Kenya uu sababay inuu Tarsan Muqdisho kusoo laabto.

Dawladu waxay sheegaty in ay Kenya dooneyso in ay xalaleysato dhul badeedka lagu muransan yahay, kaa oo aan aheyn dhul gorgortan gallo.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
info@soomaaliweyn.net

Facebook Comments