Mucaaradka Somaliland oo si adag uga hadlay kacdoonka Muuse Biixi

Xisbiga mucaardka Somaliland ee Wadani ayaa si weyn uga hadalay xaaladaha ka taagay deegaanada maamulkaasi iyo Kacdoono Shacab uu abaabuli doono madaxweynaha haatan haya talada maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.

Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi, oo ah Hoghayaha Duulista Xisbiga Wadani ayaa sheegay in uu xisbiga Kulmiye ee haatan haya talada Somaliland uu todobadii sano ee la soo dhaafay uu maamulka geliyay heshiisyo ay adagtahay in laga soo baxo.

Wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiskii Somaliland la gashay Imaaraatka Carabta, kaasi oo ay kula wareegeen dekada Magaalada Berbera, isaga oo sheegay in dhaqaalaha ku baxay heshiiskaasi inaan looga faa’ideyn Shacabka Somaliland.

Nuuradiin Aw Cabdi, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in deegaanada Somaliland abaaro ay ka jiraan, iyadoo Shan Milyan oo lagu qaatay heshiiskii Dekada Berbera aan looga faa’ideyn shacabka.

Wuxuu sheegay in hadda ay abaabuli doonaan kacdoon dadweyne oo ka dhan ah maamula madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay doonayaan in shacabka ay ka dhiidhiyaan dhibaatada ay Somaliland u horseedayaan madaxda Kulmiye.

Bale waxaa cajiib ah in uu madaxda haatan haya talada Soomaaliland ay saldhig Imaaraadka ka siiyeen meel ka mid ah Berbera, weliba si bilaaf ah isaga oo aan ka qaadin wax lacag ah.

Xafiiska Shabakadda Soomaaliweyn
Muqdisho, Somalia
[email protected]

Facebook Comments